A distant traveler prays toward a high rock, fortified tower, and sheltering wings at sunset

Sabuurradii 61

Kitaabka Quduuska Ah
1Ilaahow, qayladayda maqal, Oo baryadaydana dhegta u dhig.
2Markii qalbigaygu itaal darnaado, waxaan kaaga qayshan doonaa darafka dhulka ugu shisheeya, Ii hoggaami dhagaxa iga dheer.
3Waayo, waxaad ii ahayd magangal, Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.
4Anigu weligayba waxaan degganaan doonaa taambuuggaaga, Oo waxaan magangeli doonaa baalashaada meeshooda qarsoon. (Selaah)
5Waayo, Ilaahow, nidarradaydii waad maqashay, Oo waxaad i siisay kuwa magacaaga ka cabsada dhaxalkooda.
6Boqorka noloshiisa waad dheeraynaysaa, Oo cimrigiisuna wuxuu noqon doonaa sida qarniyo badan.
7Oo weligiisba wuxuu joogi doonaa Ilaah hortiisa, Raxmad iyo run u diyaari, inay isaga dhawraan.
8Markaasaan weligayba magacaaga ammaan ugu gabyi doonaa, Si aan maalin kasta nidarradayda u oofiyo.

Kitaabka Quduuska Ah — CC BY-NC-ND 4.0, non-commercial use only, no derivatives. Where these translations come from.

Copyright © 1979, 2008 by Society for International Ministries — Kenya. Supplied unaltered through eBible.org. Text unchanged, used under CC BY-NC-ND 4.0.