A fugitive prays from a rocky shelter as loyal companions bring food and strangers search outside

Sabuurradii 54

Kitaabka Quduuska Ah
1Ilaahow, magacaaga igu badbaadi, Oo xooggaaga iigu garsoor.
2Ilaahow, baryadayda maqal, Oo erayada afkayga dhegta u dhig,
3Waayo, shisheeyayaal baa igu kacay, Oo rag dulmi badan ayaa doonayay inay nafta iga qaadaan, Iyagu Ilaah kama fikirin. (Selaah)
4Bal eega, Ilaah waa gargaarahayga, Oo Sayidkuna wuxuu la jiraa kuwa naftayda tiiriya.
5Isagu sharka wuxuu ku celin doonaa cadaawayaashayda, Iyaga runtaada ku baabbi'i.
6Waxaan kuu qali doonaa qurbaan ikhtiyaar ah, Rabbiyow, magacaaga waan ku mahadnaqi doonaa, waayo wuu wanaagsan yahay.
7Waayo, isagu wuxuu iga samatabbixiyey dhibaato oo dhan, Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay.

Kitaabka Quduuska Ah — CC BY-NC-ND 4.0, non-commercial use only, no derivatives. Where these translations come from.

Copyright © 1979, 2008 by Society for International Ministries — Kenya. Supplied unaltered through eBible.org. Text unchanged, used under CC BY-NC-ND 4.0.