A peaceful toddler rests against his mother beneath an olive tree overlooking Jerusalem

Sabuurradii 131

Kitaabka Quduuska Ah
1Rabbiyow, qalbigaygu kor isuma qaado, indhahayguna ma kibirsana, Oo anna iskuma dhex tuuro axwaal waaweyn, Ama waxyaalihii igu yaab badan.
2Hubaal naftaydii waan dejiyey, oo waan xasilliyey, Sida ilmo naas laga gudhiyey oo hooyadiis la jooga, Naftaydu waxay iigu jirtaa sida ilmo naas laga gudhiyey.
3Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Haddeer intii laga bilaabo iyo tan iyo weligiinba.

Kitaabka Quduuska Ah — CC BY-NC-ND 4.0, non-commercial use only, no derivatives. Where these translations come from.

Copyright © 1979, 2008 by Society for International Ministries — Kenya. Supplied unaltered through eBible.org. Text unchanged, used under CC BY-NC-ND 4.0.