
Sabuurradii 129
Kitaabka Quduuska Ah
1Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Reer binu Israa'iil hadda ha yidhaahdeen,
2Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Laakiinse igama ay adkaan.
3Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay, Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen.
4Rabbigu waa xaq, Oo isagu wuxuu kala gooyay xadhkihii kuwa sharka leh.
5Inta Siyoon neceb oo dhammu, Ha ceeboobeen oo dib ha u noqdeen.
6Ha noqdeen sida cawska guryaha korkooda ka baxa Oo engega intaanu korin,
7Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin, Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin.
8Oo kuwa ag maraana ma yidhaahdaan, Barakadii Rabbigu korkiinna ha ahaato. Waxaan idiinku ducaynaynaa magaca Rabbiga.
Kitaabka Quduuska Ah — CC BY-NC-ND 4.0, non-commercial use only, no derivatives. Where these translations come from.
Copyright © 1979, 2008 by Society for International Ministries — Kenya. Supplied unaltered through eBible.org. Text unchanged, used under CC BY-NC-ND 4.0.