
Sabuurradii 124
Kitaabka Quduuska Ah
1Haddaan Rabbigu inala jirin Hadda reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
2Haddaan Rabbigu inala jirin, Markii dadku inagu kacay,
3Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen, Markay aad inoogu cadhoodeen,
4Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,
5Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.
6Waxaa mahad leh Rabbiga Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan.
7Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha, Dabinkii wuu go'ay, innaguna waynu baxsannay.
8Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga Sameeyey samada iyo dhulkaba.
Kitaabka Quduuska Ah — CC BY-NC-ND 4.0, non-commercial use only, no derivatives. Where these translations come from.
Copyright © 1979, 2008 by Society for International Ministries — Kenya. Supplied unaltered through eBible.org. Text unchanged, used under CC BY-NC-ND 4.0.